Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Congresska Maraykanka oo ansixiyey miisaaniyaddii difaaca ee ugu badnayd


USA-Capitol/
USA-Capitol/

Aqalka Golaha Wakiillada ee Maraykanka ayaa meel mariyey sharciga miisaaniyadda difaaca ee Maraykanka ee sannadka soo socda, kaas oo ku kacaya illaa $858 billion. Miisaaniyaddan la ansixiyey ayaa ka badan $45 bilyan oo dollar, intii ay hore u soo codsadeen xukuumadda madaxweyne Joe Biden.

Sharcigan oo loogu yeedho National Defense Authorization Act ama NDAA ayaa ah, sharci ay tahay in sannadkiiba hal mar la ansixiyo, kaas oo hagaya ama gundhig u ah, habka loo maamulayo miisaaniyadda tirada badan eek u baxda difaaca iyo danaha qaranka ee Maraykanka, waxaana maamula wasaaradda difaaca ee Maraykanka.

Sharcigan waxaa ansixiyey 350 mudane halka ay ka soo horjeesteen 80 mudane, waxaana halkaas ka muuqata in ansixinta miisaaniyadda difaacu inay heshay aqlabiyad aad u sarraysa, waxaana haatan loo diray aqalka sare ee Senateka, si uu u ansixiyo, ka dibna madaxweynuhu u saxeexo.

Miisaaniyadda difaaca ee Maraykanka ee sannadka 2023 ayaa qodobada ku jira ee la kordhiyey waxaa ka mida, in 4.6% kor loo qaaday miisaaniyadda ciidamada, iibsiga hubka, maraakiibta iyo diyaaradaha, iyo sidoo kale taageerada loo fidinayo Taiwan oo haatan waajahaysa gardarro uga imanaysa Shiinaha. Talaabadaas ayaa ku soo aadaysa xilli uu Ruushku duullaan ku qaaday Ukraine.

Ansixinta miisaaniyadda difaaca ayaa timi, ka dib bilo dhawr ah oo ay dood ka lahaayeen mudanayaasha ka kala socda Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga kuwaas oo isla meel dhigayey qaabta ay u ekaanayso miisaaniyadda difaacu.

Sharciga lagu hagayo miisaaniyadda difaaca ee Maraykanka oo ka kooban 4,408 bog ayaa marka uu madaxweynuhu saxeexo, wuxuu u baahanayaa in luuqadda uu ku qoran yahay iyo habka fulinta mashaariicda qaarkood inay meel mariyaan guddi hoosyada u xilsaaran ee aqalka wakiillada.

Reuters

XS
SM
MD
LG