Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaharaadayaasha iyo Milateriga Sudan oo heshiis gaadhay


Sudan

Dalka Sudan waxa shalay heshiis ku saxiixay militariga dalkaasi iyo guddiga shacabka, si loo soo afjaro is marin waaga siyaasadeed ee muddooyinkii u dambeeyey kajiray dalkaasi.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in dowlad cusub ay wada dhistaan militariga iyo rayidka, iyo in mudaddaasi lagu diyaariyo barnaamij kala guur siyaasadeed oo Sudan looga hergelinayo dowlad rasmi ah oo rayidku hoggaamiyo.

Haddaba faahfaahinta heshiiskaas waxaa warbixintan ku eegaya weriyaha VOA Xuseen Saxnuuni

Warbixinta Heshiiska Sudan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00

Dhinaca kalena Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa heshiiskan waxa uu uga dhigan yahay xaaladda siyaasadeed ee Suudaan ka wareystay Khaalid Cabdixakiim Farey oo wax ku bartay Suudaan kana faallooda siyaasadda dalalka Carabta.

Falanqaynta Heshiiska Sudan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:14 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG