Cudurka Jadeecada ayaa ka dillaacay Maraykanka, kaas oo ku sii badan Gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay sida Minnesota iyo Ohio. Gobolka Ohio illaa iyo haatan waxaa laga helay illaa 50 qof oo uu ku dhacay xanuunka Jadeecadu, waxaana taasi keentay in la xiro qaar ka mida iskuulada iyo weliba goobaha caruurta lagu xanaaneeyo.
Sida wararku sheegayaan, 20 ka mid ah, 50-ka qof ee xanuunkan laga helay ayaa la dhigay cusbitaalada gobolka Ohio, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee magaalada Columbus.
Haddaba warbixin amuurtaas ku saabsan waxaa innoo haya weriyaha VOA Cabdikaafi Yuusuf Aadan.
Facebook Forum