Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar uu abti u yahay Ayatollah Khamenei oo baaq u dirtay dunida


Farideh Moradkhani
Farideh Moradkhani

BAQDAAD – Gabadh uu abti u yahay hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ugu baaqday shucuubka caalamka inay cadaadis ku saaran dawladohooda inay, xidhiidhka u jaraan dalka Iran, taas oo looga jawaabayo habka uu dalkaasi u maareeyey mudaharaadada looga soo horjeedo xukuumadda ka dhisan dalkaas.

Gabadhan oo lagu magcaabo Farideh Moradkhani ayaa muuqaal ay duubtay waxaa internetka ku baahiyey walaalkeed oo ku nool dalka Faransiiska, waxaana muuqaalka la baahiyey ay ku booriyey “in dadka damiirka leh ee dunidu” ay taageeraan debedbaxyada ka socda dalka Iran. Muuqaalkan ayaa la faafiyey ka dib markii la ogaaday in gabadhan la xidhay bishii November 23-keedii, sida ay sheegeen koox dusha kala socota xuquuqda aadanaha ee dalka Iran oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka.

Gabadhan Farideh ayaa caan ku ahayd, inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda rayidka, waxaana dhashay gabadh la walaal ah hoggaamiyaha sare ee dalka Iran, waxayna noqonaysaa qofkii ugu dhowaa hoggaamiyaha sare ee dalka Iran ee xabsiga la dhigo. Gabadhan ayaa marar kala duwan waxaa loo xidhay hawlaha u dhaqdhaaqa arrimaha bulshada ee ay ku lug leedahay.

“Waxaan ka codsanayaa dadka damiirka leh ee dunidu inay na garab istaagaan oo ay dawladohooda ka codsadaan inay aanay falcelintoodu noqon oo keliya hadallo madhan, hase ahaatee ay la yimaadaan ficilo dhab ah oo ay ku hor istaagayaan maamulkan” ayay ku tidhi muuqaalka la baahiyey.

Mudaharaadada ka socda dalka Iran ayaa haatan lugaha la galay bishii saddexaad, waxaana ay ciidamada dalka Iran ay isticmaalayaan awood xad dhaaf ah si ay u xakameeyaan. Ugu yaraan 451 ayaa illaa haatan la dilay, oo ay ku jiraan 63 caruur ahi, sida ay sheegtay kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA, halka xabsiga la dhigay illaa 18,173 qof.

Associated Press

XS
SM
MD
LG