Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalida Nairobi oo ka horyimid dacwad lagu soo oogay Axmed Rashiid


Maxkamad ku taala magaallada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dacwad dambi dil ah kusoo oogtay sarkaal boolis oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Axmed Rashiid, kaasi oo lagu eedeeyay inuu maalin cad si bareer ah bartamaha Suuqa Islii ee magaalada Naiorbi uu ugu toogtay laba qof oo la sheegay inay rayid ahaayeen.

Sarkaalkan iyo Ciidamada uu hogaamiyo ee dharcadda ayaa hawlgallo ay horay uga sameeyeen xaafadda Islii waxay ku tirtireen kooxo burcad ahaa oo dhac iyo dil u gaysan jiray bulshada ku nool xaafadda Islii iyo hareeraheeda.

Dhinaca kale, xildhibaanada Soomaalida ee ku jira baarlamanka Kenya iyo ganacsatada Soomaalida ayaa iyagana kasoo horjeestay dacwadda lagu soo oogay Axmed Rashiid.

Wariyaha VOA ee Nairobi, Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan noo soo dirty.

Soomaalida Nairobi oo ka horyimid dacwad lagu soo oogay Axmed Rashiid
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:12 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG