Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka wada-hadleen Abiy Ahmed iyo xoghaye Blinken?


Blinken and Abiy collage
Blinken and Abiy collage

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken ayaa shalay kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed dadaallada loogu jiro sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa Waqooyiga Itoobiya, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Xoghaye Blinken ayaa qiray dadaalka ay dowlada Itoobiya sii wado ee ay kaga shaqaynayso gargaarka bini'aadantinimo ee aan la hagardaameyn iyo soo celinta adeegyada aasaasiga ah ee gobolka Tigray iyo sidoo kale gobolada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada.

Blinken ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si deg deg ah loo dhaqan galiyo heshiiskii xabbad-jooginta ahaa oo ay ku jiraan in laga saaro dhammaan ciidamada shisheeye iyo in isku mar hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada Tigreega.

Waxa uu xusay in Mareykanka ay weli ka go’an tahay taageeridda hannaanka Midowga Afrika uu hoggaamiyo, oo ay ku jirto habka kormeerka iyo xaqiijinta Midowga Afrika.

XS
SM
MD
LG