Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo duqaymo la beegsaday Kurdiyiinta Suuriya iyo Ciraaq


Turkiga ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii duqeymo la beegsaday dhowr magaalo oo ku yaalla waqooyiga Suuriya oo ay ku jirto magaalada Kobane, sida ay sheegeen ciidamada Kurdiyiinta ee aaggaasi ka howlgala iyo koox la socota arrimaha Syria oo fadhigeedu yahay Britain.

Duqeymaha Turkiga ayaa lagu dilay lix ka tirsan Xoogagga Dimuqraadiyiinta Suuriya SDF oo ay kurdiyiintu u badan yihiin iyo lix askari oo ka tirsan kuwa dowladda, sida ay sheegtay hay’adda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya.

Duqeymaha ayaa yimid maalmo kadib markii ay Ankara ku eedeysay Xisbiga Shaqaalaha Kurdstan ee PKK in uu ka danbeeyey weerar qarax oo dhimasho sababay oo toddobaadkii hore ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul.

Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in ay duqeysay waxa ay ugu yeertay goobaha argagixisa, iyadoo baahisay muuqaal muujinaya goobo la duqeynayo.


Inkastoo Ankara aysan bixin faahfaahin ku saabsan howlgalka, Ciidamada Kurdiyiinta ayaa sheegay in Kobani oo ku taalla waqooyi bari Suuriya ay duqeeyeen ciidamada Turkigu.

Reuters.

XS
SM
MD
LG