Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Sidee u dhacday doorashadii Mareykanka ee shalay?


Maamulka Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaan weli kala caddeyn saaka oo Arbaco ah, ayada oo Dimoqraadiga ay muujiyeen awood aan la fileyn kadib markii ay Jamhuuriyiinta kaga adkaadeen tartano dhowr ah oo aad la isugu dhowaa, halka markii hore la filayey inay wajahayaan guuldarrooyi culus.

Doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka ayaa la qabtaa labadii sanoba mar, waxayna muddo dhexaad u tahay muddada afarta sano ee madaxweynaha la doorto.

Haddaba Madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA, Candiraxmaan Yabarow oo aalaaba noo fallanqeeya arimaha ku xidhiidha siyaasadda Mareykanka, gaar ahaan doorashooyinka, ayaa sharxay sida ay u dhacday doorashadii shalay.

Xuseen Barre ayaa marka hore weydiiyey inuu si guud u dul maro cidda tartameysa iyo cidda loo saadaalinayey inay libintu raacdo.

Fallanqeyn: Sidee u dhacday doorashadii Mareykanka ee shalay?
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:19 0:00

XS
SM
MD
LG