Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaalidii ugu horreysay oo loo doortay Aqalka Wakiilada Ohio


Ismail Mohamed
Ismail Mohamed

Laba xildhibaan oo Soomaali ayaa markii ugu horreysay ka mid noqonaya Aqalka Wakiillada Gobolka Ohio kadib markii doorashadii shalay dhacday ay kusoo baxeen.

Muniro Cabdulaahi oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga ayaa ku guulaystay kursiga degmada sagaalaad, halka Garyaqaan Ismail Mohamed uu isna VOA u sheegay inuu ku guulaystay degmada 3-aad, sidaasna uu uga mid noqon doono Aqalka Sharcidajinta heerka gobol ee Ohio.

Haddaba maxay Soomaalida uga dhigan tahay inay golaha sharci dajinta Ohio ay xildhibaanno Soomaali ah ku yeeshaan?

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Samakaab ayaa khadka telefonka ee gobolka Ohio kula xiriiray Ismaaciil oo marka hore uu weydiiyay dareenka guushiisa xildhibaanimo iyo waxyaaba u xiga kadib doorashada.

Soomaalidii ugu horreysay oo loo doortay Aqalka Wakiilada Ohio
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:38 0:00

XS
SM
MD
LG