Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen


New U.N. High Commissioner for Human Rights Volker Tuerk addresses a press conference at the Palais Wilson in Geneva on Nov. 2, 2022.
New U.N. High Commissioner for Human Rights Volker Tuerk addresses a press conference at the Palais Wilson in Geneva on Nov. 2, 2022.

GENEVA – Madaxa guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Tuerk ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii dalka Yemen ee ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midoobay. Iyada oo bilo ka hor uu dhamaaday heshiiskii xabbad joojinta ahaa, kaas oo sababay inay sare u kacaan khasaaraha dadka rayidka ah soo gaadhaya.

War qoraal ah oo uu soo saaray Tuerk ayu uku sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay, tan iyo markii dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ay ku guuldaraysteen inay kordhiyaan heshiiskii xabbad joojinta ee soconayey muddada lixda bilood ah, taas oo ku ekayd, bishii October 2-deedii. Guddoomiyaha guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku boorriyey inay ka wada hadlaan sidii loosoo afjari lahaa colaadda khasaaraha badan dhalisay.

Afhayeen u hadlay guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Jeremy Laurence, ayaa sheegay in qaybo badan oo ka mida khasaaraha soo gaadhay shacabka, in lagu eedaynayo kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen.

Laurence waxa uu sheegay inay adag tahay in la xaqiijiyo tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay dagaalada ugu dambeeyey, balse wuxuu sheegay in xafiiskiisu inuu xaqiijiyey saddex dhacdo oo duqaymo ah oo fallaagada ay dawladda Iran taageerto ay ka gaysteen dhulka ay dawladdu maamusho.

Dagaalka ka socda dalka Yemen oo bilaabmay sideed sano ka hor ayay ku dhinteen in ka badan 350,000 oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG