Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo uga digay Pyongyang inay isticmaasho hubka Nukliyeerka


FILE - A missile that analysts believe could be the North Korean Hwasong-12 is paraded in North Korea on April 15, 2017. Japanese Defense Minister Yasukazu Hamada said a missile North Korea fired over Japan on Tuesday could have been a Hwasong-12.
FILE - A missile that analysts believe could be the North Korean Hwasong-12 is paraded in North Korea on April 15, 2017. Japanese Defense Minister Yasukazu Hamada said a missile North Korea fired over Japan on Tuesday could have been a Hwasong-12.

WASHINGTON – Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa si wada jir ah uga digay in Kuuriyada Woqooyi ay u adeegsato nooc kasta oo hubka nukliyeerka ah, Kuuriyada Koonfureed ee ay deriska yihiin ama wadamada kale ee xulafada ah ee ku yaalla gobolka, haddii taasi ay dhacdona, waxay sheegeen inay noqon doonto dhammaadka nidaamka uu hoggaamiyo Kim Jong Un.

Hanjabaaddan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Pyongyang ay sii waddo tijaabada gantaallada.

Kuuriyada Woqooyi ayaa waxay ridday in ka badan labaatan gantaal, labadi maalmood ee la soo dhaafay, taasoo jawaab u ahayd dhoolatuska milateri ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo bilawday Isniintii.

Tijaabooyinkan gantaallada ee ay samaysay Kuuriyada Woqooyi ayaa ahayd kuwo fariin loogu dirayey Kuuriyada Koonfureed, taasoo keentay in qaybo ka mida shacabka dalkaasi inay ku cararaan goobaha dhulka hoostiisa ah. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalka Kuuriyada Koonfureed uu weli ku jiro xaalad baroordiiq ah oo la xidhiidha, dadkii ka badnaa 150-ka qof ee ku dhintay dalkaas habeenkii la xusayey Halloween-ta.

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed Lee Jong-sup ayaa ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda difaaca ee Maraykanka, waxay si wada jira u soo saareen bayaan ay si adag ugu cambaaraynayaan tallaabooyinka milateri ee ay qaadayso Kuuriyada Woqooyi, oo ay ku jirto tijaabada gantaallada iyo madaafiicda kala duwan.

Labada wasiir ayaa sheegay in haddii Kuuriyada Woqooyi ay u isticmaasho nooc ka mida hubka nukliyeerka, deriskeeda Seoul ama dalalka kale ee gobolka sida Japan, inay taasi noqonayso, dhammaadka xilliga maamulka Kim Jong Un, waxaana ay sheegeen inay ka bixin doonaan jawaab isku dhaf ah.

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ka wada shaqaynaya inay dersaan jawaabaha ay ka bixin karaan, haddiiba ay Kuuriyada Woqooyi isticmaasho huubka nukliyeerka.

AP

XS
SM
MD
LG