Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Israel: Netanyahu oo helay aqlabiyad uu ku soo dhisi karo xukuumad


Former Israeli Prime Minister and the head of Likud party Benjamin Netanyahu and his wife, Sara, celebrate after first exit poll results for the Israeli Parliamentary election at his party's headquarters in Jerusalem, Nov. 2, 2022.
Former Israeli Prime Minister and the head of Likud party Benjamin Netanyahu and his wife, Sara, celebrate after first exit poll results for the Israeli Parliamentary election at his party's headquarters in Jerusalem, Nov. 2, 2022.

TEL-AVIV, ISRAEL— Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Israel Benjamin Netanyahu ayaa helay codad ku filan oo uu ku soo dhisi karo xukuumad, ka dib doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalkaas. Ra'iisal wasaaraha haatan xilka haya ee Yair Lapid ayaa ku dhawaaqay in laga guulaystay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Lapid uu hambalyeeyey ra’iisal wasaare Netanyahu, isaga oo shaqaalaha xafiiskiisana faray inay diyaariyaan xil wareejinta.

“Danta Israel ayaa ka horraysa, aragti kasta oo siyaasadeed” sidaas waxaa yidhi Lapid, wuxuuna hadalkiisa ku sii daray “Guul ayaan u rajaynayaa Netanyahu”.

Lapid oo afartii bilood ee ugu dambaysay ahaa ra’iisal wasaare ku meel gaadh ah, ayaa qoraalkan soo saaray, ka dib markii ay gebagebo ku dhowayd tirinta codadka, taas oo muujisay in Netanyahu uu helay codad ku filan oo ah aqlabiyadda baarlamaanka. Natiijooyinka kama dambaysta ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo khamiista dambe.

Netanyahu ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo xukuumaddii dhinaca midig u janjeedhay ee ugu ad-adkayd taariikhda Israel.

AP

XS
SM
MD
LG