Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brazil: 'Musharaxii mucaaradka oo ka adkaaday madaxweynaha xilka haya'


BRAZIL-ELECTION/
BRAZIL-ELECTION/

SAO PAULO, BRAZIL – Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka Brazil, waxana uu ka adkaaday madaxweynaha haatan xilka haya ee Jair Bolsonaro.

Luiz Lula da Silva oo u janjeedha siyaasadaha dhinaca bidixda, ayaa helay 50.9% codadka la tiriyey oo gaadhaya 99%, halka madaxweyne Bolsonaro oo ka tirsan xisbiga midigta fog ayaa isaguna helay 49.1% codadka la dhiibtay.

Doorashadan ka dhacday dalka Brazil ayaa u ekayd, sidii afti laga qaadayo, labada aragtiyood ee ay kala hoggaaminayaan labadan musharax, taas oo ah, nooca ay u ekaanayaan, siyaasadaha mustaqbalka ee dalka Brazil. Madaxweynaha haatan xilka haya ee la sheegay in doorashada lagaga adkaaday, ayaa intii uu sharaxnaa, wuxuu wacad ku maray inuu dalka Brazil ka hirgelinayo siyaasado ad-adag, gaar ahaan, habka loola tacaalayo loogana soo kabanayo xanuunka COVID19 ee dhimashada badan keenay iyo weliba xaalufka baahsan ee ka jira kaymaha Amazon.

Madaxweynaha codadka ku horreeya ee Lula da Silva ayaase isagu wuxuu ballanqaaday inuu xoogga saari doono dhinaca arrimaha bulshada iyo deegaanka, isagoo codeeyayaasha xasuusiyey ladnaanta dalka ka jirtay xilligii uu xukunka hayey ee sannadkii 2003, ka hor intii aanay soo shaac bixin fadeexado la xidhiidha musuqmaasuq oo ka dhan ahaa xisbigiisa.

Madaxweynaha haatan xilka haya Bolsonaro, ayaa isaga oo aan soo bandhigin wax caddayn ah wuxuu sheegay in nidaamka codbixintu uu u nugul yahay wax is daba marin, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo inaanu aqbalin guuldarada, waxaana suura gala inuu raaco jidkii saaxiibkiis Donald Trump, madaxweynihii hore ee Maraykanka.

Reuters

XS
SM
MD
LG