Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Illaa 60 qof oo ku dhintay ka dib markii ay buundo kula duntay dalka India


Sekouris abo bato chache moun nan rivye Machchu a apre yon pon kraze epi plonje desann nan rivye a nan eta Gujarat, rejyon wes peyi End, Dimanch 30 Oktob 2022.
Sekouris abo bato chache moun nan rivye Machchu a apre yon pon kraze epi plonje desann nan rivye a nan eta Gujarat, rejyon wes peyi End, Dimanch 30 Oktob 2022.

AHMEDABAD — Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay ka dib markii ay duntay buundo ku lugaynayeen oo dulmarta webiga gobolka Gujarat ee ku yaalla galbeedka Hindiya. Buundadan ayaa markii ay duntay, waxay biyaha webiga ku dartay boqolaal qof oo dulmarayey, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi.

Maamulka dalka Hindiya ayaa sheegay in in ka badan 150 qof inay xilligaas dul marayeen buunda isaga kala gudubta webiga Machhu ee magaalada Morbi.

Muuqaalo lagu baahiyey telefiishanada ayaa muujinayey tobanaan qof oo ku dheggan xadhko iyo burburka buundada duntay, xilli ay kooxaha gurmadku ay ku dedaalayeen inay samatabixiyaan dadkaasi.

Xildhibaan lagu magcaabo Mohan Kundariya ayaa sheegay in la xaqiijiyey dhimashada illaa 60 qof.

Saraakiil kale ayaa iyaguna xaqiijiyey inay dhaawacmeen illaa 30 qof oo kale.

Buundadan ayaa dhererkeedu dhan yahay illaa 230 mitir, waxaana la dhisay xilligii ingiriiska ee qarnigii 19aad. Muddo lix bilood ah ayay u xidhnayd buundadani, dayactir lagu samaynayey, waxaana dib loo furay toddobaadkii hore.

Ra’iisal wasaare Narenda Modi oo booqasho saddex maalmooda ku jooga gobolka Gujarat ee uu ka soo jeedo ayaa sheegay inuu amray madaxa gobolka inuu gurmad u fidiyo dadka waxyeelladu soo gaadhay.

Dawladda gobolka ayaa magcawda guddi ka kooban shan qof oo baadhis ku sameya dhacdadan.

Reuters

XS
SM
MD
LG