Magaalooyinka gobolka Ontario ee dalka Canada oo ay ku jirto magaalada Toronto oo ay deggen yihiin Soomaali badan, ayaa waxaa ka dhacay doorashooyinka golaha deegaanka, duqa magaalada iyo guddiyada maamulaya Iskuullada.
Duqa magaalada Toronto John Tory ayaa markii saddexaad ku guuleystay doorashada, isagoo noqonaya duqii ugu waqtiga dheeraa ee maamula magaaladaasi, hadii uu dhammeysto afarta sano ee soo socota.
Dhawaan ayuu madaxa gobolka Ontario ku dhawaaqay in duqa magaalada Toronto iyo kan Ottawa uu siinayo awood dheeri ah, taasoo u oggolaanaysa in ay diidmada qayaxan u isticmaali karaan go'aannada ay gaaraan goleyaasha deegaanka, haddii ay u arkaan kuwa aanan u wanaagsaneyn magaalooyinkooda.
John Tory, wuxuu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono kirada guryaha oo sii qaaliyoobaysa iyo horumarinta gaadiidka dadweynaha.
Dhanka kale Liibaan Xasan ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee kamid noqda guddiga maamulaya iskuullada, isagoo matalaya xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee York South-Weston.
Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Faysal Xasan oo horey usoo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamanka gobolka Ontario, ugu horreyna waxa uu waydiiyay waxa golaha deegaanka ee la doortay ay uga duwan yihiin kuwii hore.