Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Weriye Pakistani ah oo toogasho lagu dilay


Arshad Sharif
Arshad Sharif

Ciidamada Booliska Kenya ee loo yaqaanno GSU- General Service Unit, ayaa xalay duleedka magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku toogtay Arshad Sharif oo ahaa wariye wax baara oo u dhashay dalka Pakistan.

Warar hordhac ah oo laga helay booliska Kenya ayaa sheegaya in gaariga ay wateen Arshad Sharif iyo walaalkii Khurram Ahmed ay xoog ku gudbeen bar kontorool oo ku taalla jidka dheer ee xiriiriya Kiserian-Magadi ilaa magaalada Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Kenya William Ruto uuna ka codsaday in baaritaan daahfuran oo caddaalad ah lagu sameeyo shilkan.

Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Kenya: Weriye Pakistani ah oo toogasho lagu dilay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:46 0:00





XS
SM
MD
LG