Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo sharciyo KGM ah siinaya Itoobiyaanka ka soo qaxay colaadda Ethiopia


Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay Jimcihii in dadka Ethiopia u dhashay ee sharci la’aanta ku jooga dalkan Mareykanka la siin doono sharciyada shaqada islamarkaana aan la tarxiili doonin muddo 18 bilood ah, xilli dalka ku yaalla bariga Africa ay ka taagan tahay colaad ay dad badan ku dhinteen.

Sida ay ku qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Waaxda Amniga Gudaha ayaa sheegtay Jimcihii in ay kordhinayso waxa loo yaqaanna xaaladda ilaalinta KMG (TPS) ee dadka u dhashay Ethiopia sababo la xiriira xaaladda sii xumaanaysa ee dalkaasi, taas oo halis ku ah in dadku ay dalkooda ugu noqdaan si nabad ah.

Dadka Ethiopia ee deggan Mareykanka ayaa laga billaabo 20-kii October ee sanadkan 2022-ka waxa ay xaq u leeyihiin in Waaxda Amniga Gudaha ay ka codsadaan sharciga shaqada.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka Alejandro Mayorkas ayaa bayaan uu soo saaray Jimacihii ku sheegay in muwaadiniinta Ethiopia ee jooga Mareykanka ee aan si nabad ah ugu laaban karin dalkooda sababo la xiriira tacaddiyada ka dhashay colaadda, iyo dhibaatooyinka bini’aanimo ee ay keeneen cunto yarida, fatahaadaha iyo barakaca ay sii joogi doonaan Mareykanka kana shaqeysan karaan tan iyo inta xaaladda dalkooda ay ka soo reyneyso.

Waa markii ugu horraysay ee dadka u dhashay Ethiopia ay xaq u yeeshaan xaaladda ilaalinta KMG ee TPS, taas oo horay uu Mareykanka u siiyay muwaadiniinta dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Yemen, Afghanistan, Haiti, Cameroon, iyo Ukraine, kuwaasi oo loo fiiriniyay hadba xaaladda ay dalalkoodu ku sugan yihiin.

XS
SM
MD
LG