Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chad oo soo rogtay bandow kadib markii 50 qof lagu dilay rabshado ka dhacay dalkaas

Anti-government demonstrators set a barricade on fire during clashes in N'Djamena, Chad, Oct. 20, 2022.
Anti-government demonstrators set a barricade on fire during clashes in N'Djamena, Chad, Oct. 20, 2022.

NAIROBI – Dawladda Chad ayaa sheegtay in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay ciidamada ammaanku ay rasaas ku fureen debedbaxayaal dalbanayey in la soo afjaro xukunka milateriga. Dawladdu waxay mudaharaadka ku tilmaantay inuu ahaa kacdoon hubaysan.

Dawladda ku meel gaadhka ah ee Chad ayaa Bandow soconaya 6:00 fiidnimo illaa subaxnimada ku soo rogtay caasimadda N’Djamena iyo saddex magaalo kale, iyada oo isku dayaysa inay xakamayso qalalaasaha ka jira dalkaas.

Debed-baxayaasha ayaa Khamiistii isugu soo baxay wadooyinka iyaga dalbanaya in la soo afjaro xilliga xilhaynta ee xukuumadda haatan jirta, taasoo muddada xil haynteeda ku darsatay laba sano oo kale. Ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay debedbaxayaasha, taasoo keentay dhimashada iyo dhaawaca tirada badan.

Ra’iisal wasaare Saleh Kebzabo ayaa ku eedeeyey dadka dhigayey debedbaxu inay masuul ka ahaayeen dhimashada, wuxuuna mamnuucay isu imaatinka dadweynaha.

Wuxuu sheegay in dawladda ku meel gaadha ah ee uu hoggaamiyo, iyadoo ka jawaabaysa falalkii foosha xumaa ee dhacay, inuu qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin inuu soo rogay bandaw illaa inta si buuxda dib loogu soo celinayo kala dambaynta, bandowgan ayaa ka dhaqangelaya magaalooyinka N’Djamena, Moundou, Dob aiyo Koumra.

Ra’iisal wasaraha ayaa sheegay in la hakiyey dhammaan kulamadii dadweynaha oo ay ku jiraan kuwa xisbiyada iyo ururada bulshada.

Lewis Mudge, oo ah Agaasimaha Badhtamaha Afrika ee Human Rights Watch, ayaa sheegay in loo baahan yahay badhitaan lagu sameeyo sababaha keenay dhimashada debedbaxayaasha.

XS
SM
MD
LG