Hay’adda QM u qaabilsan xuquuqda adanaha ayaa maanta ka sheegtey magaalada Geneva in weerarada rayidka ee ka dhacaya Tigray ay noqonayaan danbiyo dagaal.
Afhayeenka hay’adda xuquuqda aadanaha ee QM ee loo soo gaabiyo OHCHR Ravina Shamdasani ayaa tiri “Duqeymaha walaaca leh ee Tigray waxay sii xumeynayaan xaaladii markii horeba liidatey ee colaada gobolka Tigray iyo saameynta dadka rayidka ah. Tan iyo 31kii bishii August waxaanu helney warar badan oo ku aadan waxyeelo dadka rayidka ah loo geystey iyo hantidooda taasi oo ay keeneen duqeymaha iyo madafiicda lagu garaacayo magaalooyinka gobolka Tigray.”
Waxaa kale oo ay Shamdasani sheegtey in sharciga caalamiga uu dhigayo in weerarada aanan loo meel dayin ee rayidka lagu bartilmaameedsanayo iyo hantidooda ay noqonayaan danbiyo dagaal.
Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa ka socdey bilooyinkii u danbeeyey qeyba ka mid ah gobolka Tigray, waxaana duqeymahaas geysanaayey ciidamada dowladda Ethiopia.