Xisbiga talada haya ee dalka Britain ayaa waxaa ka dhex-billowday kacdoon iyo mowjado siyaasadeed oo laga cabsi qabo in xafiiska lagaga saaro ra’iisul wasaaraha dhowaan un xilkaas qabatey ee Liz Truss.
Liz Truss ayaa dhowaan beddeshay wasiirkii maaliyadda, waxayna sidoo kale ka laabatay qorsheyaal maaliyadeed oo ay horey u go’aansatay si ay xiisadda u qaboojiso.
Warbixin gaar ah oo ku saabsan arrintan waxa magaalada London kasoo direy wariyaha VOA-da Qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.