Milateriga dalka Ciraaq ayaa sheegay Khamiistii in sagaal gantaal ay ku dhaceen aagga cagaaran ee sida aadka ah loo ilaaliyo ee ku yaalla Baqdaad. Weerarkan ayaa dhacay xilli ay xildhibaanada dalkaasi ay ka qaybgelayeen kalfadhiga baarlamaanka si ay u doortaan madaxweyne cusub.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof ay ku dhaawacmeen weerarkaas. Mana jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan.
Bishii aynu soo dhaafnay, ayaa sidan oo kale waxaa gantaallo loola eegtay aagga cagaaran, xilli ay xildhibaanadu doonayeen inay doortaan afhayeenka baarlamaanka.
Xogtan waxaa laga soo xigtay AFP, AP iyo Reuters.