Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan oo xidhay xildhibaan mucaarad ah oo qoraal soo dhigay Twitter-ka


Pakistani Senator Azam Swati is seen in a photo from his Twitter.
Pakistani Senator Azam Swati is seen in a photo from his Twitter.

ISLAMABAD— Masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa xabsiga dhigay xildhibaan mucaarad ah oo si weyn looga yaqaano dalkaas, iyada oo lagu eedeeyey falal khiyaano ah, ka dib markii uu dhaleeceeyey taliyaha ciidamada milateriga ee awoodda badan ee Pakistan.

Senator Azam Swati oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka, isla markaana xubin ka ah xisbiga ra’iisal wasaarihii hore ee Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), ayaa xabsiga la dhigay subaxnimadii hore ee Khamiistii xilli uu ku sugnaa guriga uu ka deggan yahay caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.

Senatorka waxaa dacwad dembiyeed ka gudbisay hay’adda baadhista ee heer federal, ee (FIA), iyada oo la raacayo sharciga muranka badan dhaliyey ee la dagaalanka dembiyada ka dhaca internetka. Senatorka ayaa lagu haystaa inuu bartiisa Twitterka soo dhigay fariin ay masuuliyiinta Pakistan ku tilmaameen inay ahayd, “farriin aad u fool xun oo cabsi gelin ah” oo ka dhan ah ciidamada qalabka sida ee Pakistan iyo Taliyahooda General Qamar Javed Bajwa.

Qoraalka uu Senetarkani soo dhigay bartiisa Twitter-ka fiidnimadii Arbacada ayaa jawaab u ahayd amar ay maxkamadeed oo beri yeelaya ra’iisal wasaaraha haatan xukuma Pakistan iyo wiil uu dhalay oo lagu soo oogay dacwado la xidhiidha wax is daba marin lacageed. Hase ahaatee maxkamad ku taalla Lahore ayaa sheegtay in kiiskaas lagu waayay ra’iisal wasaaraha iyo inankiisa.

Markii amarkaasi soo baxay, ayaa Senator Swati wuxuu bartiisa Twitterka ku qoray “Mudane, Mr. Bajwa (Taliyaha Ciidanka Milateriga), waan ku hambalyaynayaa adiga iyo inta kooban ee kula jirta. Qorshahaagu runtii wuu shaqaynayaa, dhammaan dembiilayaashiina waa la fasaxay. Marka aad tuugtan sii daynayso, waxaad sharciyaynaysa ama sharciyaysay musuqmaasuq.”

Eedda ay ku soo oogtay FIA Senator Swati ayay gundhig uga dhigtay, inuu abuuray cabsi gelin ka dhan ah hay’adaha dawladda, isaga oo adeegsanaya macluumaad been ah, oo ay u badan tahay inuu ula jeedo inuu kiciyo sarkaal kasta, askari kasta, iwm.

Swati ayaa ka soo hor muuqday maxkamad ku taal Islamabad,halkaas oo garsooruhu uu u diray xabsiga booliska muddo laba maalmood ah si baadhitaan dheeri ah loogu sameeyo,wuxuuna muddeeyay dhageysiga xiga ee kiiskiisa maalinta Sabtida.

XS
SM
MD
LG