War Deg-Deg ah

QM: Weerarada Ruushka ee Ukraine waxay noqon karaan dambiyo dagaal

Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in weerarrada gantaallada ah ee ciidamada qalabka sida ee Ruushka ay Isniintii la beegsadeen bartilmaameedyada rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalooyin badan oo Ukraine ah ay noqon karaan dambiyo dagaal.

Qaramada Midoobay ayaa warineysa in weerarrada Ruushku uu ku qaaday ku dhowaad toban magaalo oo ay ka mid yihiin Kyiv, Dnipro, iyo Zaporizhzhia ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof oo rayid ah, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

Lisa Schlein ayaa warkan ka soo dirtay Geneva, waxaana soo jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

QM: Weerarada Ruushka ee Ukraine waxay noqon karaan dambiyo dagaal

No media source currently available

XS
SM
MD
LG