Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koox Ruushka taageersan oo weerar dhinaca Internet-ka ah ku qaaday garoomada Maraykanka


Mareegaha internetka ama websites-ka ee qaar ka mida garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee dalka Maraykanka ayaa hawada ka baxay ama culays badan dareemay, Isniintii, taasoo u muuqata inay tahay weerar abaabulan oo lala beegsaday.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inaanay tallaabadani saamayn ku yeelan duulimaadyadii caadiga ahaa.

Weeraradan ayaa daba socday, ka dib baaq ay soo saareen koox taageersan dalka Ruushka oo isku magcaabay Killnet, kuwaas oo sheegay inay qaadayaan weeraro abaabulan oo hakinaya isticmaalka adeegyada ee goobaha ay bartilmaameedsadaan. Kooxdan ayaa barta ay ku leedahay Telegram waxay ku soo daabacday, bartilmaameedyo u qorshaysan inay weeraraan.

“Waxaan ogaanay subaxnimadii, in mareegtayadii aanay shaqaynayn, waxaana dhacdadan gacanta ku haya, farsamayaqaanada iyo kooxda dhinaca ammaanka qaabilsan” sidaas waxaa sheegay Andrew Gobeil oo u hadlay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Atlanta, isagoo intaas sii raaciyey inaanu weerarkani saamayn ku yeelan, shaqooyinkii muhiimka ahaa ee garoonka ka socday.

Sidoo kale garoon mareegta garoonka caalamiga ah ee Los Angales ayaa la jabsaday, qaybtiisa dadweynaha, iyada oo aan kooxdu ku guulaysan inay u dhacaan qaybta gudaha ee garoonka la shaqaysa.

Afhayeen u hadlay madaarka caalamiga ah ee Los Angeles ayaa sheegay in madaarkoodu uu dhacdadan la wadaagay hay’adda FBI iyo kooxda qaabilsan ammaanka madaarada ee TSA.

Garoomo kala duwan ayaa iyaga laftooda laga soo sheegay in la weeraray mareegohooda internetka, sida Madaarka Caalamiga ah ee Chicago ee O'Hare

Associated Press

XS
SM
MD
LG