Dalka Britain iyo meelo badan oo caalamka ka mid ah waxa ka bilowdey toddobaadka caafimaadka ee maanka oo sannad kasta mowduuc xoogga lagu saaro mawduuc gaar ah, si loo sameeyo wacyigelin baahsan. Toddobaadkan waxa lagu lafa-gurayaa xidhiidhka u dhexeeya kelinimada iyo saameynta ay ku yeelato dadka.
Wariyaha VOAda ee Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail ayaa Dr Abdirasheed Mohamuud Takar oo ku takhasusay caafimaadka maanka ka wareystay ahmiyadda toddobaadkani u leeyahay guud ahaan Britain gaar ahaan, Jaaliyadda Soomaalida.