Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin oo saxeexay sharci uu kula wareegayo afar gobol oo Ukraine ku yaalla


Russia Putin

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacadii wuxu saxeexay sharci uu rasmi kaga dhigayo in dalka Ruushku uu la wareegay afar gobol oo ku yaalla dalka Ukraine, tallaabadaas oo si weyn loo cambaareeyey, laguna tilmaamay inay tahay sharci darro.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay ciidamada dalka Ukraine ay qaadeen weerar rogaal celis ah oo ay doonayaan inay dib ula wareegaan dhulka uu Ruushku ka qabsaday.

Go’aanka uu saxeexay madaxweyne Putin ayay toddobaadkan horraantiisii ansixiyeen golaha baarlamaanka ee dalkaasi, taas oo Ruushku uu doonayo in gobollada Ukraine ee Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kerson in loo aqoonsado dhul uu Ruushku leeyahay.

Saraakiisha uu Ruushku u magcaabay deegaanadaas ayaa waxay gobolladaas ka qabteen, waxa ay ugu yeedheen afti qaran, hase ahaatee waxaa oo ay ka soo horjeestay Ukraine iyo saaxiibadeeda wadamada reer galbeedka oo ay weheliso Qaramada Midoobay, iyaga oo sheegay in aftida loo qabtay hab Khasab ah oo aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka.

Toddobaadka soo socda ayaa la filayaa in golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay inuu u codeeyo qaraar qabyo ah oo lagu cambaaraynayo sheegashada Ruushka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku guuldaraystay inuu meel mariyo qaraar ka dhan ah tallaabada Ruushka, ka dib markii Ruushku uu isticmaalay codka diidmada qayaxan.

Qaybo ka mida warbixintan ayaa laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee AP, AFP iyo Reuters

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG