Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBI-da oo soo bandhigtay tirada dembiyada ka dhacay Maraykanka sannadkii hore


Trump FBI
Trump FBI

WASHINGTON — Hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee loosoo gaabiyo FBI ayaa sheegtay in dembiyada ka dhaca dalka Maraykanku ay xoogaa hoos u dhaceen, ka dib markii sannadkii hore la diiwaangeliyey sare u kac, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay hay’addu sii daysay Arbacadii.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegay in sannadkii hore, dembiyada ka dhacay dalka Maraykanku inay gaadhayeen 1,313,200 oo dembi oo rabshado wata, halka tirada dembiyada ee dhacay sannadkii 2020 ay gaadhayeen illaa 1,326,600 oo dembi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhinaca kale ay tirada dilalka ka dhacay Maraykanku ay kor uga kaceen 22,000 oo dil oo la diiwaangeliyey sannadkii 2020, iyaga oo sannadkii hore ee 2021 gaadhay 22,900 oo dil.

Warbixintan ayaa ku soo beegantay xilli ay dad badna oo Maraykan ahi ay ka walaacsan yihiin korodhka ku yimi rabshadaha ka dhaca dalka, waxaana arrintani ay noqotay mid si weyn loo hadal hayo, xilli la filayo in dalka Maraykanka ay doorasho ka dhacdo bisha dambe.

Hase ahaatee hay’adda FBI ayaa ka digtay in culays badan la saaro dhinaca xogta, taas oo ka tarjumaysa qiyaasaha rasmiga ah ee la xidhiidha heerka ay marayaan dembiyada ka dhaca dalka Maraykanku.

XS
SM
MD
LG