Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ku dhowaad 90 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Suuriya


Warbaahinta dowladda Suuria ayaa Sabtida maanTa ah sheegay in la helay meydadka 89 qof oo muhaajiriin ka timid Lubnaan ah kuwaasi oo doontii ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha dalka Suuriya.

Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in ay qabteen nin looga shakisan yahay in uu yahay muqallaskii doontan oo noqoneysa tii ugu dhimasho badneyd ee dhowaanahan ku degta bariga badda Mediterranean-ka.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) Filippo Grandi ayaa dhacdadan ku tilmaamay “masiibo qalbi jab ah”.

Ugu yaraan 14 qof oo la soo badbaadiyay islamarkaana lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Suuriya ayay xaaladdoodu ka soo reyneysaa, iyadoo lix kalena ay bogsadeen oo laga saaray, waxaana socda dadaal lagu baadigoobayo dhowr qof oo weli la la’yahay tan iyo Khamiistii oo ay doontu degtay.

Iskandar Ammar, oo ah sarkaal ka tirsan Isbitaalka Al-Basel ayaa u sheegay wakaaladda wararka dowladda Suuriya ee SANA in “89 qof ay dhinteen, 14 qofna lagu daweynayo isbitaalka oo laba ka mid ah ay ku jiraan qeybta gurmadka degdega ah.”

Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in ay xireen nin u dhashay Lubnaan oo “qirtay in uu abaabulay howshan tahriibinta ah” ee muhaajiriinta looga qaaday Lubnaan dhinaca baddana loogu waday Talyaaniga”.

Lubnaan oo martigelisa in ka badan hal milyan oo qaxooti ka soo cararay dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa tan iyo 2019-kii waxa ay la daalaa dhacaysay dhibaato dhaqaale oo uu Bangiga Adduunku ku tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu daran xilligan casriga ah.

Waxa ay noqotay goobta laga bilaabo socdaalka sharci-darrada ah, iyadoo muwaadiniinteedu ay ku biiraan qaxootiga Suuriya iyo kuwa Falastiiniyiinta ah ee doonaya in ay tahriibaan.

Dad gaaraya 150 qof ayaa saarnaa doonidan yar ee ku degtay xeebaha Tartus ee Suuriya oo 50 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Tripoli ee dalka Lubnaan, halkaasi oo ay ka baxday doontan siday tahriibayaasha.

Dadka doonta la socday ayaa u badnaa Lubnaaniyiin, Suuriyaan iyo Falastiiniyiin, waxaana ku jiray carruur iyo dad waayeel ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qoysaska ku nool Lubnaan ayaa maalintii labaad Sabtida maanta ah waxa ay aasayaan meydadka ehelkooda oo lagu soo wareejiyey habeenkii Jimcaha.

AFP

XS
SM
MD
LG