Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne dalkiisa xukumayay 43 sano oo markale xilkaasi u tartamaya


Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang oo ah hoggaamiyaha ugu xukunka dheer dunida ayaa mar kale xilka u tartamaya doorashada la qabanayo bisha November, sida uu xisbigiisu ku dhawaaqay Jimcihii, waxayna taasi u badan tahay in ay sii kordhiso muddo 43 sana ah oo uu dalkan hoggaaminayay oo ka soo bilaabaneysa markii uu afgenbi talada kula wareegay sanadkii 1979-kii.

Xukunka Obiang oo ah 80 jir ah ayaa ku asteeysan jirdil lagula kacay mucaaradkiisa siyaasadeed, doorashooyin laga been abuuray, iyo musuqmaasuq, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha iyo quwadaha shisheeye. Obiang ayaa eedeymahaasi iska fogeeyey.

Muddadii uu talada hayay ayuu dalka ku yaalla galbeedka Afrika waxa uu noqday mid si weyn ugu tiirsan shidaalka iyo gaaka, oo ah qiyaastii 75 boqolkiiba dakhliga dawladda. Lacagta ayaa waxa ay ku dhacdaa jeebabka dadka ku dhow dhow madaxweynaha iyadoo inta badan dadka dalkaasi ay ku nool xaalad saboolnima ah sida ay sheegeen ururrada xuquuqda aadanaha u dooda.

Wiilkiisa Teodoro Nguema Obiang Mangue oo sidoo kale ah madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ayaa ah nin jecel xafladaha, baabuurta xawaarohoodu dheereeyo, iyo dahabka, waxayna maxkamad Faransiis ah 2020-kii ku xukuntay wax-is-daba-marin. Jimcihii ayuu boggiisa Twitter ku qoray in aabihiis loo magacaabay in uu mar kale isa soo sharaxo “sababo la xiriira furfurnaantiisa, hogaamintiisa iyo khibraddiisa siyaasadeed”.

Muddo xileed kale oo uu xafiiska sii jooga ayaa waxaa wajahaya caqabado cusub. Dhaqaalaha dalka ayaa waxaa cuuryaamiyey cudurka COVID-19 iyo hoos u dhac ku yimid qiimaha saliidda, in kastoo dagaalka Ukraine iyo baahida loo qabo saliidda iyo gaaska dalalka Ruushka ka baxsan ay gacan ka geysan karto in uu dhaqaalihiisu kobco.

REUTERS

XS
SM
MD
LG