Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Woqooyi oo beenisay inay hub ka iibinayso Ruushka


FILE - Russian President Vladimir Putin, right, and North Korea's leader Kim Jong Un shake hands during their meeting in Vladivostok, Russia, April 25, 2019.
FILE - Russian President Vladimir Putin, right, and North Korea's leader Kim Jong Un shake hands during their meeting in Vladivostok, Russia, April 25, 2019.

SEOUL, KOOFUR KUURIYA – Kuuriyada Woqooyi ayaa beenisay inay wax hub ah u dirtay dalka Ruushka, iyada oo ku eedaysay dalka Maraykanka inuu faafiyey wararka la xidhiidha iibka hubka, iyaga oo ku tilmaamay warkaasi inuu yahay mid aan sal iyo raad toonna lahayn, oo looga jeedo in lagu waxyeelleeyo sumcadda Pyongyang.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa bishan horraanteedii waxay sheegeen inuu socdo qorshe uu dalka Ruushku hub uga iibsanayo dalka Kuuriyada Woqooyi, hubkaas oo ka kooban malaayiin gantaallo iyo madaafiicda wax lagu duqeeyo ah, si ay ugu isticmaalaan dagaalka ka socda Ukraine.

Warqoraal ah oo lagu daabacay bogga wakaaladda wararka ee dawladdu maamusho ee loo yaqaano KCNA, ayaa lagu sheegay in masuul ka tirsan wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Woqooyi inuu beeniyey eedaha ka yimi Maraykanka.

"Weligayo hub iyo rasaas toonna uma dhoofin Ruushka, mana qorsheynayno inaan u dhoofino," ayuu yiri agaasime ku xigeen ka tirsan wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Waqooyi.

"Waxaan uga digaynaa Mareykanka inuu joojiyo hadalada aan laga fiirsan ee ka dhanka ah Kuuriyada Woqooyi, isla markaana uu afkiisa xidho” ayuu sii raaciyey agaasimuhu.

Horaantii bishaan, diblumaasi sare oo Ruush ah ayaa sidoo kale diiday eedeynta isagoo ku tilmaamay mid been abuur ah.

Saraakiisha Mareykanku ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo ku saabsan iibinta hubka mana aysan xaqiijin in wax kala iibsigu inuu dhammaaday iyo inkale. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha reer galbeedka ayaa sheegay in macaamilka noocaas ahi uu macno samayn doono.

XS
SM
MD
LG