Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa keenay in Nigeria ay muddo bil gudaheeda, hoos ugu dhacdo kaalinta 4aad ee dalalka Afrika ee shidaalka dhoofiya?


NIGERIA-ECONOMY-ENERGY-gazoduc
NIGERIA-ECONOMY-ENERGY-gazoduc

ABUJA, NIGERIA – Ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara shidaalka ee OPEC ayaa sheegay in dalka Nigeria oo hore kaalinta koowaad kaga jiray wax soo saarka shidaalka ee qaaradda Afrika, inuu haatan galay kaalinta afraad, ka dib hoos u dhac aad u weyn oo ku yimi shidaalkii ay soo saari jireen, waxaana kaalmaha hore haatan ku jira, dalalka Angola, Algeria iyo Liibiya.

Warbixin uu soo saaray ururka OPEC oo ka hadlaysay suuqa shidaalka, ayaa muujisay in waxsoosaarka dalka Nigeria uu haatan yahay illaa 980,000 oo foosto maalintii, taas oo muujinaysa hoos u dhac gaadhaya, in ka badan 100,000 oo foosto maalintii marka loo eego shidaalkii ay soo saari jireen bishii July ee sannadkan.

Tobanaankii sano ee ugu dambeeyey, waxaa dalka Nigeria uu ahaa dalka ugu badan ee soo saara shidaalka marka la eego qaaradda Afrika, hase ahaatee waxaa dhibaato xooggan dalkan u geysatay tuugada shidaalka. Maamulka shirkadda shidaalka ee dalka Nigeria ayaa sheegay in in ka badan 200,000 oo foosto in maalin walba la waayo, arrintaas oo keentay in dalkaasi waayo dhaqaale aad u badan oo ka soo geli jiray shidaalka.

XS
SM
MD
LG