Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo sheegtay inay diyaar u tahay inay hay'adda IAEA, kala shaqayso barnaamijkeeda Nukliyeerka


FILE - In this photo released by the Atomic Energy Organization of Iran, technicians work at the Arak heavy water reactor's secondary circuit, as officials and media visit the site, near Arak, Iran, Dec. 23, 2019.
FILE - In this photo released by the Atomic Energy Organization of Iran, technicians work at the Arak heavy water reactor's secondary circuit, as officials and media visit the site, near Arak, Iran, Dec. 23, 2019.

Iran ayaa Isniintii muujisay inay diyaar u tahay inay la shaqayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan korjoogtaynta arrimaha Nukliyeerka ee loosoo gaabiyo IAEA, iyada oo sheegtay inuu dalkeeda saaran yahay waajibaadyo laga rabo, si taas la mid ahna ay u leeyihiin xuquuq.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Iran oo lagu magcaabo Naasir Kanaani ayaa u sheegay warbaahinta in Iran ay ka rajaynayso guddida sare ee maamula hay’adda IAEA inay muujiyaan ficilo wax ku ool ah.

Kulanka guddida ayaa bilawday Isniintii iyaga oo ka wada hadlaya qodobo kala duwan oo ku saabsan hawlaha nukliyeerka ee caalamka oo ay ku jiraan barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

IAEA ayaa Iran hordhigtay inay jawaabo lagu kalsoonaan karo ay ka bixiso, walxo muujinaya Uranium la bacrimiyey oo laga helay illaa saddex goobood oo aan la shaacin oo ku yaalla dalka Iran.

Iran ayaa doonaysa in la soo gebagebeeyo baadhitaanta, taas oo qayb ka ah in la soo nooleeyo heshiiskii caalamiga ahaa ee lala galay Iran sannadkii 2015 oo dalkaas ka khafiifinayey cunaqabataynada saaran, si dhankoodana ay u xaddidaan horumarinta barnaamijka nukliyeerka, hase ahaatee heshiiskaas ayaa hore u guuldaraystay ka dib markii uu ka baxay dalka Maraykanku sannadkii 2018.

XS
SM
MD
LG