Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo maanta laga xusaya 21- guuradii kasoo wareegtay weeraradii argagixiso ee 9/11 


First responders salute as a U.S. flag is unfurled at the Pentagon in Washington, Sept. 11, 2022, at sunrise on the morning of the 21st anniversary of the 9/11 terrorist attacks.
First responders salute as a U.S. flag is unfurled at the Pentagon in Washington, Sept. 11, 2022, at sunrise on the morning of the 21st anniversary of the 9/11 terrorist attacks.

Dadka Mareykanka ayaa maanta xusaya sanad-guuradii 21-aad ee kasoo wareegtay qaraxyaddii dadka badani ay ku dhinteen ee dalkan ka dhacay bishii September 11-keedii maanta oo kale sanadkii 2001-dii.

Waxay ku xusuyaan qadar aamusnaan ah, magacyada dadkii ku geeriyooday oo la aqrinayo iyo howlo tabarucaad ah oo xusuusta dadkaa loo hibeeyay.

21 sanadood kadib qaraxyadaas argagixiso ayaa ehelada, asxaabta iyo qoysaska kuwii ku dhintay waxay isugu tagi doonaan meelihii ay dayuuradihii burbureen.

Madaxweyne Biden ayaa isna waxa uu ka hadli doonaa xaflad ubax dhig ah oo ka dhaceysa xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ee Magaalada Washington.

Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan arrintan la xiriirta inoo soo koobeysa.

Xuska 9:11.mp3
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:20 0:00

XS
SM
MD
LG