Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen 250 xubnood oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah


FILE - Nigeria air force special unit simulate during a counter- terrorism exercise, at the Murtala Muhammed International Airport in Lagos, Nigeria, Nov. 8, 2016.
FILE - Nigeria air force special unit simulate during a counter- terrorism exercise, at the Murtala Muhammed International Airport in Lagos, Nigeria, Nov. 8, 2016.

ABUJA, NIGERIA – Ciidamada Milateriga ee dalka Nigeria ayaa shegay inay dileen in ka badan 250 xubnood oo ka tirsan kooxda Boko Xaaraam iyo kooxda kale ee Dawladda Islaamiga ah ee Galbeedka Afrika ee loosoo gaabiyo ISWAP, ka dib hawlgallo ay ciidamadu wadeen labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Afhayeen u hadlay ciidanka militariga ayaa sheegay in ciidamada dalka Nigeria inay sidoo kale soo furteen saddex hablood oo arday iskuul ah oo laga afduubay Chibok, kuwaas oo dablaydu haysteen, tan iyo sannadkii 2014.

Musa Danmadami oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Nigeria ayaa sheegay in ciidamada milaterigu ay fuliyeen duqaymo dhinaca cirka ah iyo hawlgallo dhulka ah ay fuliyeen intii u dhexeysay bishii August 25-keedii illaa bishan September 8-deedii.

Danmadami ayaa sheegay in ciidamadu ay guulo badan ka gaadheen hawlgallo ay ka sameeyeen degmada Bama ee gobolka Borno 3-dii Sebtembar, ka dib markii weerarada dhinaca cirka ah iyo kuwo ay qaadeen ciidamada dhulku, inay burburiyeen goobaha ay ku dhuumaalaysanayeen Boko Haram iyo Daacish.

Danmadami ayaa sheegay in guud ahaan illaa 556 qof ay isu soo dhiibeen ciidamada, oo ay ku jiraan 15 rag ah oo waaweyn, 189 dumar ah iyo 252 carruur ah.

XS
SM
MD
LG