Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buundo duntay intii ay socotay xafladdii xarigga looga jarayay


Marti-sharaf si wanaagsan u soo labistay ayaa isugu soo baxay si ay u daah-furaan buundada dadka lugeynaya ay uga kala gudbaan dhinacyada magaalada Kinshasa ee dalka Congo, waxaana muuqaal ay xaqiijisay Reuters uu muujinayay buundada uu dumeysa markii ay ku istaageen martidii xarigga ka jareysay.

Xafladdii ka dhacday degmada Mont-Ngafula ee Kinshasa, ayaa la arkayay buundada oo ka dumeysa dhinacyada lagu socdo iyo sidoo kale halka gacangta lagu cuskado, iyada oo qaybta dhexena ku dhacday togga hoostiisa oo dhowr mitir ahaa.

Dadka u soo daawashada tagay furitaanka buundada ayaa markii hore farxad ku qeylinayay, iyada oo markii dambena la arkay madaxdii xarigga ka jareysay oo la halgameysa sidii ay uga soo degi lahaayeen burburka buundada.


Lama sheegin cid wax ku noqotay shilkaasi.

Dadka isticmaala baraha bulshada ee gudaha iyo dibadda Congo ayaa weyn uga falceliyay dhacdadan.

Reuters.

XS
SM
MD
LG