Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Sudaan intii u dhexeysay bishii May ee sannadkan illaa bishan September ee aynu ku jirno, ayaa sababay khasaare aad u xooggan, waxaana wararku ay sheegayaan in daadad ka dhashay roobabkaas mahiigaanka ahi, inay dileen in ka badan 100 qof, halka ay burburiyeen tobanaan kun oo guri, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee dalka Sudan.
Roobabkan oo sida caadiga ah ka da’a dalka Sudan inta u dhexeysa bilaha May iyo October, ayaa sababa fatahaado iyo daadad khasaare gaadhsiiya hantida, kaabayaasha dhaqaalaha iyo weliba dalagyada beeraha ee dalkaas.
Masuuliyiinta dalka Sudan ayaa bishii la soo dhaafay waxay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah, sababo la xidhiidha daadadka ku fatahay illaa lix gobol oo dalkaas ka mid ah.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, Cabdijaliil Cabdiraxiim oo ah afhayeen u hadlay ciidanka booliska ayaa sheegay in tirada dhimashada ee ay sababeen daadadka iyo fatahaaduhu inay haatan marayso illaa 112 qof, isagoo intaas ku daray in 34,944 oo guri ay gebi ahaan daadadku burburiyeen, halka 49,060 oo guri oo kale ay daadadku u geysteen khasaare kala duwan.
Afhayeenka u hadlay booliska ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in tirada dadka ku dhaawacmay daadadka ku fatahay dalka Sudan inay gaadhayaan illaa 115 qof.
Qaramada Midoobay, oo soo xiganaysa tirakoobyada dowladda, ayaa toddobaad ka hor waxay sheegtay in daadadka ay ilaa hadda saameeyeen 226,000 oo qof oo ku nool Suudaan.
AFP