Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dabley hubeysan oo toboneeyo qof ku dilay gobolka Oromada ee Ethiopia


Oromia Ethiopia
Oromia Ethiopia

Xubno ka tirsan maleeshiyaadka qowmiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya ayaa dilay tobanaan qof waxayna gubeen oo ay xattooyo ka gaysteen guryo ku yaalla magaalo ka tirsan gobolka Oromiya sida ay dad weerarka ka badbaaday u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Maamulka gobolka ayaa ku eedeeyay Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA) in ay ka dambeysay weerarka, oo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay.

“Kooxda weerarka qaaday ayaa ka soo weeraray... saddex jiho iyaga oo adeegsanaya rasaas, waxayna sii wadeen weerarradooda ilaa 2:00 duhurnimo,” sidaasina waxaa AFP u sheegay mid ka mid ah dadkii badbaaday oo ka cararay Agamsa.

“Waxa ay dileen ku dhawaad 100 ka mid ah dadka deegaanka, waxa ay gubeen guryo badan iyo dukaamo, waxayna bililiqeysteen bakhaarradii raashinka lagu kaydin jiray, iyagoo isticmaalaya baabuur iyo mootooyin. Indhahayga ayaan ku arkay waxa dhacayay, laakin waxaa ii suurtogashay in aan baxsado,” ayuu yiri.

Qof kale oo isna dadka badbaaday ka mid ah ayaa sheegay in kooxda weerarka qaadday ay dhac u gaysteen lo’ ayna dileen dad ka badan 100 qof.

Labaduba waxa ay sheegeen in dableydu ay ka tirsanaayeen maleeshiyaad fadhigoodu yahay gobolka dariska ah ee Amhara.

Jabhadda Oromo Liberation Army (OLA) oo ay Addis Ababa u aqoonsan tahay urur argagixiso ayaa sheegtay in maleeshiyada Fano ee Amxaarada ay soo abaabuleen weerarka ayna deegaanka Agamsa ku dileen ugu yaraan 62 qof.

Maamulka gobolka Oromada ayaa ku eedeeyey weerarka OLA oo ay ugu magac dareen “Shane”.

“Waxa ka dhacay Agamsa waxa ay ahayd in kooxda argagixisada ah ee Shane iyo xagjiriintu ay weerareen dad rayid ah, tirada dhibanayaasha weli lama xaqiijin,” ayuu madaxa warfaafinta ee maamulka gobolka Hailu Adugna u sheegay AFP.

AFP ayaa la xiriirtay dowladda federaalka oo aan wali ka jawaabin dhacdadan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu yimid ka dib markii Axaddii la raray ciidamadii deegaanka joogay, laakin aan la keenin ciidankii beddeli lahaa.

AFP

XS
SM
MD
LG