Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleyshiyada Al-Shabaab oo 21 qof ku dilay Hiiraan, 9 gaari oo xamuul ahna gubay


Ugu yaraan 21 qof oo shacab ayaa lagu dilay duleedka magaalada Baledweyne ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay sagaal baabuur oo rakaab ah iyo badeecado kala duwan u siday degmada Maxaas ay ku gubtay deegaanka Afar Irdood.

Dadka dhintay waxaa ku jira 18 qof oo ka mid ahaa rakaabka gaadiidka la gubay halka saddex qof kalena ay dhinteen ka dib markii gaari ay saarnayeen miino kula qaraxday meel u dhow deegaanka ay Al-Shabaab ku gubtay gaadiidka sida uu VOA u sheegay Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Warbaahinta Al-Shabaab taageera ayay kooxdu ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo sheegatay in ay beegsatay maleyshiyaadka Macawusley loo yaqaan ee dhowaanahan kooxda la galay dagaal adag oo ka dhacay qeybo ka mid ah Hiiraan.

Warkan oo faahfahsan dhowaan ayaan halkan idin kugu soo gudbin doonnaa.

XS
SM
MD
LG