Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax lala eegtay masaajid oo lagu dilay 18 qof oo uu ku jiro wadaad ka tirsan Taliban


A Taliban fighter stands guard on a road after a blast during Friday prayers at Guzargah mosque, in Herat, Sept. 2, 2022.
A Taliban fighter stands guard on a road after a blast during Friday prayers at Guzargah mosque, in Herat, Sept. 2, 2022.

ISLAMABAD – Weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii ka dhacay masaajid aad u camirnaa oo ku yaalla dhinaca galbeed ee dalka Afghanistan ayay ku dhinteen ugu yaraan 18 ka mid ah dadkii ku cibaadaysanayey masaajidkaas. Waxaana dadka dhintay ku jiray wadaad caan ahaa oo ka tirsanaa ururka Taliban.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in sheekhan caanka ahaa oo lagu magcaabi jiray Mujibur Rahman Ansari, in weerarka lala beegsaday isaga oo dadweynaha ku tujinayey salaaddii Casar, masaajid ku yaalla magaalada Herat ee ku taalla xuduudda dalkaasi la wadaago dalka Iran

Ugu yaraan 24 qof oo kale oo ka mid ah dadkii cibaadaysanayey ayaa iyaguna isla goobtaas ku dhaawacmay, waxaana la filayaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, sida ay sheegayaan laamaha ammaanka iyo goobjoogayaal kala duwani.

Afhayeen sare oo u hadlay ururka Taliban oo lagu magcaabo Zabihullah Mujahid ayaa cambaareeyey weerarkan, isaga oo wacad ku maray inay sharciga la tiigsan doonaan dambiilayaasha weerarkan ka dambeeyey.

Wadaadka la dilay ayaa ahaa sheekh si weyn u dhaleecayn jiray dawladdii hore ee uu Maraykanku taageeri jiray ee ka dhisnayd dalka Afghanistan iyo weliba ciidamadii reer Galbeedka ee ku sugnaa Afghanistan.

XS
SM
MD
LG