Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jarmalka oo magdhaw siinaya ehelada ciyaartoydii lagu dilay weerarkii Munich ee ciyaarihii Olombikada ee 1972-kii

A stone cutter renovates a memorial stone for the 11 Israeli athletes killed by Palestinian militants during 1972 Olympic Games in Munich.
A stone cutter renovates a memorial stone for the 11 Israeli athletes killed by Palestinian militants during 1972 Olympic Games in Munich.

Jarmalka ayaa ogolaaday inuu magdhaw siiyo qoysaska ciyaartoy u dhashay dalka Israel oo la dilay xilli ay ka qayb-gelayeen ciyaarihii olombikada ee ka dhacay dalka Jarmalka sannadkii 1972-kii. Jarmalka iyo qoysaska ciyaartoyda dhintay ayaa ku heshiiyey in la bixiyo magdhow gaadhaya illaa $28 milyan oo dollar.

Bishii la soo dhaafay, qoysaska ciyaartooydii la dilay ayaa sheegay inaanay ku faraxsanayn dalabyada ugu dambeeyey ee la xidhiidha magdhowga ay bixinayso dawladda Jarmalku, iyaga oo sheegay inay qorsheynayaan inay qaadacaan xafladda lagu xusayo sannad guuradii 50aad ee ka soo wareegtay weerarka Munich, iyaga oo taas bedelkeeda ay doonayaan inay sameeyaan mudaharaad ay ku muujinayaan dareenkooda.

Dawladda Federaalka ee Jarmalka ayaa bixin doonta $22.5 million oo dollar, halka gobolka Bavaria uu isna bixin doono $5 milyan, Munich ayaa iyaduna bixinaysa $500,000 sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jarmalku.

Bishii September ee sannadkii 1972 waxaa madaxfurasho loo qabsaday koox ka socotay dalka Israel oo ka qaybgelaysay tartankii Olombikada ee caalamiga ahaa. Hase ahaate muddo 24 saacadood ah oo la is hortaagnaa iyo gurmad la doonayey in loo fidiyo kooxda la afduubay ayaa ku dambeeyey inay dhintaan 11 u dhashay dalka Israel, shan xubnood oo Falastiiniyiin ah iyo sarkaal ka tirsan booliska Jarmalka.

Reuters

XS
SM
MD
LG