Nairobi —
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo gaba-gabaeeyay shir looga hadlayay sidii loo hormarin lahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Soomaaliya iyo yaraynta fakhriga, kaasoo ay soo qaban qaabisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Bulshada ee ESCWA.
Waxaa shirkan ka qeybgalay masuulyiin kala duwan oo ka socday dowladda Soomaaliya.
Hadaba waxyaabihii kasoo baxay shirkaasi iyo muhiimadda uu u leeyahay shirkaasi dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa Wariyaha VOA-da ee Niaorbi Khadar Maxamuud Xareed uga warramay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxman Nadiif oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federalka Soomaaliya.