Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xanuunka Jadeecada oo illaa 157 caruur ah ku dilay dalka Zimbabwe


Caruur saf ugu jirta tallaalka xanuunka Jadeecada
Caruur saf ugu jirta tallaalka xanuunka Jadeecada

HARARE – Wararka ka imanaya dalka Zimbabwe ayaa sheegaya in illaa 157 caruur ahi inay u dhinteen xanuunka jadeecada oo ka dillaacay dalkaas. Saraakiisha dalka Zimbabwe ayaa sheegay in caruurtan dhimatay, inay ahaayeen kuwo aan qaadan tallaalka jadeecada, ka dib markii ay waalidiintoodu u diideen in la tallaalo, sababo la xidhiidha xagga caqiidada diimeed ee ay aaminsan yihiin.

Horraankii bishii April ayay ahayd markii ugu horraysay ee xanuunka jadeecada laga soo sheegay gobolka Manicaland ee ku yaalla dhinaca bari ee dalka Zimbabwe, iyada oo tan iyo xilligaas uu xanuunku ku fidayey qaybaha kala duwan ee dalkaas.

Ugu yaraan 2,056 xaaladood ayaa la soo sheegay iyada oo dadka illaa haatan xanuunka u dhintay ay yihiin caruur aan la tallaalin, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Zimbabwe.

Golaha Wasiirada ee Zimbabwe ayaa soo rogay sharci wax lagaga qabanayo xakamaynta faafista xauunkan ka dillaacay dalka Zimbabwe.

Dawladdu waxay sheegtay inay bilaabayso olole ballaadhan oo tallaal ah oo lagu beegsanayo carruurta da'doodu u dhaxayso 6 bilood iyo 15 jir, ayna ka qaybgelinayso hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo kuwa diinta si ay u taageeraan tallaalka.

AP

XS
SM
MD
LG