Dalka Kenya waxaa la sugayaa natiijada doorashada oo la filayo in guddiga doorashadu uu ku dhawaaqo. Haddaba xarunta Boomas ee guddiga doorashadu ay codadka ku tirinayeen waxaa ku sugan weriyaheena Khadar Xareed, Jacfar Kuukaay ayuuna uga warramay.
Dhinaca kale, dadka Kenya ayaa guud ahaan si dhow ula socda natiijada la filayo in lagu dhawaaqo. Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ee Nairobi, goobihii ganacsiga ayaa la xiray.