Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sahan laga sameeyey baraha bulshada ee ay isticmaalaan dhalinyarada Maraykanka ahi


Sawir laga qaaday bogga Facebook
Sawir laga qaaday bogga Facebook

Daraasad ay samaysay xarunta cilmi-baadhista ee Pew Research ayaa lagu ogaaday in toddobadii sano ee ugu dambaysay inuu hoos u dhacay isticmaalka Facebook ee dhalinyarada Maraykanka ah, iyaga oo taas bedelkeeda u wareegay inay isticmaalaan baraha bulshada ee Youtube iyo Tiktok.

Tiktok oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa haatan kaalmaha ugu sarreeya kaga jira, baraha bulshada ee ay isticmaalaan dhalinyarada Maraykanka ahi, halka shabakadda Youtube ay tahay goobta ugu badan ee dhalinyaradaasi ay ku wadaagaan muuqaallada iyo macluumaadka ay baahinayaan.

Xogta ay soo bandhigtay Pew ayaa ku soo aadaysa xilli uu isku dayayo mulkiilaha shirkadda Facebook, inuu la yimaaddo aragti uu iskaga dhicinayo shirkadda Tiktok ee kala wareegtay macaamiishiisii baraha bulshada, isaga oo raba inuu ilaashado saamaynta uu leeyahay si uu u helo xayaysiiska uu ka sameeyo balaayiinta dollar.

Warbixinta ay soo bandhigtay Pew Research ayaa lagu sheegay in dhalinyarada la waraystay ay 95% sheegeen inay isticmaalaan Youtube, halka 67% ay leeyihiin Account Tiktok ah.

Kaliya 32% dhalinyarada la waraystay ayaa sheegay inay galaan ama isticmaalaan Facebook – taasoo muujinaysa hoos u dhac aad u weyn, marka la barbardhigo, xog ururin la sameeyey toddoba sano ka hor, taas oo muujinaysay in dhalinyarada Maraykanka ah ee isticmaasha Facebook inay gaadhayaan illaa 71%.

Facebook ayaa haatan dhalinyarada qaarkeed u arkaan goob loogu talo galay dadka waaweyn, halka dhalinyaradu ka doonayaan inay baraha bulshada ku wadaagaan muuqaallo iyo sawiro.

Qiyaastii 62% dhalinyarada Maraykanka ah ee la waraystay ayaa sheegay inay isticmaalaan Instagram, oo ay leedahay shirkadda Meta ee Facebook, halka 59% ay sheegeen inay isticmaalaan Snapchat.

Warbixintan ayaa lagu waraystay illaa 1,316 dhalinyaro Maraykan ah oo da’doodu u dhexeyso 13 jir illaa 17 jir, taaso la waraystay intii u dhexeysay April illaa horraantii bishii May ee sannadkan 2022.

AFP

XS
SM
MD
LG