Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali guulo ka gaaray doorashooyinkii Minnesota


Afar gobol oo dalkan Maraykanka ka tirsan oo uu ku jiro gobolka ay Soomaalidu ku badantahay ee Minnesota ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa laga qabtay doorashooyinka horudhaca ah oo tartamihii ku soo baxaa uu ka qeyb gali doono doorashooyinka xiliga dhexe ee bisha November.

Waxaa doorashadii xalay ka qeyb galay Soomaali dhowr ah oo siyaasadda horey ugu jiray oo kuraastoodii xajisanaya.

Doorashadooyinan horudhaca ah dadka kursigooda xajistay ee November u baratamaya waxaa ka mid ah Ilhaan Cumar oo Aqalka Congress-ka Mareyanka ka soo gasha degmada shanaad ee Gobolka, iyo Cumar Faatax oo degmada 62-aad ka soo galay Aqalka Senate-ka Gobolka.

Dadka siyaasadda ku cusub ee xalay doorashada horudhaca ah ku soo baxay waxaa a mid ah Seynab Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo u tartameysay kursiga degmada 63-aad ee Aqalka Senate-ka heer gobol.

Haddii bisha November ay kursigan ku guuleysto Seynab waxay noqoneysaa gabadhii ugu horeysay ee Somali ah, Muslim ah oo Madow ah oo ku biirta Aqalka Senate-ka Gobolka Minnesotta.

Doorashada ka dib ayaa Wariyaha VOA-da Maxamuud Mascadde uu Seynab weydiiyay Dareenkeeda.

Soomaali guulo ka gaaray doorashooyinkii Minnesota
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG