Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shan dal oo ku yaalla Afrika oo billaabay tiro-koobka maroodiga


Maroodiga Afrika
Maroodiga Afrika

Shan waddan oo ku yaalla dhinaca Koonfureed ee Qaaradda Afrika ayaa haatan samaynaya tiro-koobkii ugu horreeyey ee abid lagu sameeyo tirada maroodiga ee ku nool dalalkaas si loo daryeelo, waxaana qiyaasaha haatan la hayo ay muujinayaan in shantan dal ay ku nool yihiin in ka badan kala badh, maroodiga ku nool qaaradda Afrika.

Diyaarado yaryar ayaa samaynaya tiro koobka, kuwaas oo dul haadi doona goobaha ay maroodiyadu ku nool yihiin ee ku yaalla dalalka Angola, Botswana, Namibia, Zambia iyo Zimbabwe.

Aagga ay ku nool yihiin maroodiyadan ee kulmiya dalalkan ayaa loo yaqaano Kavango-Zambezi Trans-frontier Conservation Area ayaa loosoo gaabiyaa (KAZA), waxaana la rajaynayaa in tiro-koobkan la soo dhameeyo dhammaadka bisha October ee sannadkan.

Aagga KAZA ee kulmiya dalalkan waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin illaa 220,000 oo maroodi ah, hase ahaatee tiro sugan lagama hayo, waana sababta ay u xiisaynayaan dalalkani inay ogaadaan tirade rasmiga ah.

Dalka Botswana ee isna ku yaalla qaaradda Afrika ayaa isagu marti geliya illaa 130,000 oo maroodi ah, waana dalka ay ku nool yihiin maroodiga ugu badan caalamku.

Iyada oo tirada maroodigu ay ku sii badanayso gobolka KAZA, meelo kale oo qaaradda Afrika ah ayaa tiradu hoos u dhacaysaa iyadoo ay ugu wacan tahay lumitaanka deegaan iyo ugaarsiga.

XS
SM
MD
LG