Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Doorashada oo subaxnimada hore ka bilaabanaysa 46,000 oo goob-codbixineed


Kenya Elections
Kenya Elections

NAIROBI - Shacabka dalka Kenya ayaa la filayaa in Salaasada subaxda hore ay u dareeri doonaan goobaha codbixinta, iyada oo dalkani yahay mid si weyn ugu tiirsan farsamada casriga ah ee loo isticmaalo codaynta, hubinta codbixiyaha iyo weliba soo gudbinta natiijada doorashada madaxtinimada.

Guddida doorashada ee Kenya oo udub dhexaad u ah, qabsoomida doorashooyinka dalkaas, ayaa haatan isku dayaya inay nadiifiyaan sumcaddooda, ka dib markii maxkamadda sare ay baabi’isay natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2017, sababo la xidhiidha wax is-daba marin.

Weriyaha VOA ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa ku soo waramaya in guddiga doorashada ee Kenya ay xalay si kumeel gaadh ah u hakiyeen codeynta doorashada guddoomiyayaasha Ismaamulada Mombasa iyo Kakamega ee dalka Kenya.

Guddida doorashada ee Kenya ayaa sheegay in la qorsheeyey in codbixiyayaashu ay ka codeeyaan in ka badan 46,000 oo goobood oo ku kala yaalla guud ahaan dalkaas. Boya Molu oo ka mid ah guddoomiyayaasha guddida madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa sheegay in guddigoodu ay haatan si dhamaystiran ugu diyaargaroobeen qabashada doorashada.

“Dhammaan shaqaalihii waa la tababaray, si sax ah ayaa loo fahamsiiyey isticmaalka farsamada casriga ah, si loo aqoonsado codbixiyayaasha, iyada oo loo marayo hannaanka farsamada casriga ah iyo sharciyadda doorashada … nidaamka doorashada lagu maamulayo waa la diyaariyey, waxaanna haatan u diyaar garownay in iridaha loo furo goobaha codbixinta, marka la gaadho 6-da subaxnimo” ayuu yidhi Boya Molu.

Maalinimadii Axaddii, guddida doroashada ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan guddida doorashada, oo lagu eedeeyey inay la kulmeen musharrax si ay gacan uga geystaan ku shubashada codbixinta goobaha galbeedka dalka Kenya.

XS
SM
MD
LG