Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo Ruushka ku eedaysay inuu weeraray wershedda ugu weyn Yurub ee ku shaqaysa tamarta Nukliyeerka


Wershedda tamarta Nukliyeerka ku shaqaysa ee Zaporizhzhia
Wershedda tamarta Nukliyeerka ku shaqaysa ee Zaporizhzhia

Dalka Ukraine ayaa ku eedeeyey dalka Ruushku inay duqeeyeen wershedda ku shaqaysa tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn qaaradda Yurub taas oo lagu magcaabo Zaporizhzhia, waxayna ku eedeeyeen in Moscow ay ku hawlan tahay “argagax gelin loo adeegsanayo Nukliyeerka”

Shirkadda tamarta Nukliyeerka ee dawladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushku inay waxyeello u geysteen saddex walxood oo la socda heerka shucaaca ee wershedda ku shaqaysa tamarka Nukliyeerka ee Zaporizhzhia, ka dib weerarkii ay ciidamada Ruushku ku qaadeen wershedda habeenimadii Sabtida, waxaana goobtaas ku dhaawacmay mid ka mida shaqaalaha wershedda.

"In Ruushku uu u isticmaalo nukliyeerka, argagax gelin ama cabsi gelin, waxay u baahan tahay jawaab adag oo ka timaada beesha caalamka – oo ay ku jirto in cunaqabatay lagu soo rogo warshadaha Ruushka ee ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka iyo xattaa shidaalka nukliyeerka," ayuu yidhi Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Warshaddan oo ku taalla dhulka uu haatan maamulo Ruushku ayaa sidoo kale la weeraray maalinimadii Jimcihii. Moscow ayaa ku eedaysay ciidamada Ukraine inay ka dambeeyaan weeraradaas.

Ruushku wuxuu qabsaday warshadda Zaporizhzhia horraantii bishii March, laakiin xarunta weli waxaa maamula farsamoyaqaanno u dhashay dalka Ukraine.

Shirkadda tamarta Nukliyeerka Ukraine ee Energoatom ayaa sheegtay in weerarrada gantaallada ee Ruushka ee Sabtidii, in lagu garaacay meel bakhaar ah, halkaas oo ay yaalleen illaa 174 konteenar oo ay ku jiraan shidaal nukliyeer ah oo la isticmaalay.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters

XS
SM
MD
LG