Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBI-da oo ka digtay weeraro argagixiso oo laga fuliyo gudaha Maraykanka


Agaasimaha FBI Christopher Wray
Agaasimaha FBI Christopher Wray

WASHINGTON — Agaasimaha hay’adda dembi baadhista Maraykanka ee FBI, Christopher Wray ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay suurto-galnimada weerar ballaadhan oo la qorsheeyey ama uu dhiirigeliyey ururka al-Qaacida oo laga fuliyo gudaha Maraykanka, ka dib markii uu Maraykanku gudaha Afghanistan ku dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri.

Agaasimaha FBI oo u waramayey guddida caddaaladda ee golaha Senate-ka ayaa sheegay in ururka al-Qaacida iyo weliba kooxda ISIS iyo xulafadooduba inay doonayaan inay fuliyaan ama dhiirigeliyaan in la fuliyo weeraro waaweyn oo ka dhaca Maraykanka.

Agaasimaha FBI ayaa sheegay in xilliga dhow in ururka al-Qaacida, oo haatan hoggaankoodii la dilay, inay u badan tahay inay diiradda saaraan saamaynta ururkoodu ku leeyahay dalalka caalamka iyo inay taageeraan weerarada yaryar ee laga geysanayo Bariga iyo Galbeedka Afrika.

Agaasimaha FBI ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in ururka al-Qaacida iyo ururka ISIS garabkiisa ka dagaalama Afghanistan, inay fursad u helaan inay dib isu qaabeeyaan, iyaga oo ka faa'iidaysanaya xaaladda ammaan xumo ee haatan ka jirta dalka Afghanistan, arrintaasina ay keento inay abaabulaan weeraro laga geysto gudaha dalka Maraykanka.

Arrimaha sii kordhinaya walaaca amni ee uu qabo sarkaalkan ayaa ah, iyada oo ay haatan yartahay xogta sirta ah ee ay ka helaan gudaha dalka Afghanistan.

Ka dib duqayntii lagu dilay hoggaamiyaha ururka al-Qaacida oo ku sugnaa magaalada Kabul, Maraykanka ayaa ku eedeeyey ururka Taliban inay jebiyeen heshiiskii Doha ee ay labada dhinac gaadheen sannadkii 2020, hase ahaatee ururka Taliban ayaa sheegay inaanay ka warqabin in al-Zawahiri uu ku sugnaa magaalada Kabul

XS
SM
MD
LG