Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo cudurka Furuq-daanyeerka u aqoonsaday xaalad deg-deg ah oo caafimaad


Mareykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay xaalad caafimaad-guud oo deg deg ah, kaddib marki ay soo bateen kiisaska la xiriira cudurka Furuqa-Daanyeerka ee Monkeypox.

Tallaabadan ayaa hey’adaha caafimaadka Dowladda Federaalka u fududeyn doonta in ay dowladda ka helaan kaalmo dhaqaale oo deg deg ah oo lagula dagaalo cudurkaan.

Kiisaska dadka laga helay xanuunka Monkeypox ayaa Arbacadii gaaray 6,600. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka ugu badan ee laga helay ay yihiin ragga gogosha wadaaga.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay qaabka ay u maareyneyso xanuunkan sii faafaya.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG